Da’yarta Liverpool Jordon Ibe iyo Jon Flanagan ayaan raacin wadadii uu qaaday Raheem Sterling kaas oo iska diiday heshiis cusub oo ay kooxdiisa usoo bandhigtay waxeyna labaduba qalinka ku duugeen heshiisyo kala duwan goor dhaw.
Jordan Ibe wuxuu qalinka ku duugay heshiis gaaraya shan sanadood iyo bar halka daafaca midig ee xulka Ingiriiska isna lagu abaalmariyay heshiis 12-bilood ah.
Ibe oo 19-jir ah wuxuu wajiga hore xili ciyaareedkaan amaah ku qaatay kooxda Deby, balse qeybtii dambe dib ayuu ugu soo laabtay Anfield kadib markii uu qaab ciyaareed qurux badan soo bandhigay.
Flanagan oo 22-jir ah isna waxaa la filayay inuu kooxda isaga tago madama dhaawac dhanka jilibka ah uu u baas baxay mustaqbalkiisa kooxda waxaase lagu abaalmariyay 12-bilood heshiis ah si uu u cadeeyo sida uu ugu qalmo inuu Liverpool uga sii mid ahaado.
Warkaan waa war niyada u qaboojinaya Rodgers oo la wareersan xaalada Raheem Sterling oo ka biyo diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa.
Ugu dambeyntii Sterling masii joogi doono Anfield, waxaana Liverpool haatan u wanaagsan iney lacagaha waalida ah oo lagu raadinayo ka faa’ideysato.