Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah heshiiska shaqsiga ah ula gaartay kubad sameeyaha reer Jarmal Julian Draxler.
Naadiga Schalke 04 ee uu Julian Draxler ka tirsan ayaa u ogolaatay xidigan inuu Juve heshiiska shaqsiga ah la gaari karo waxayna haatan ku heshiiyeen heshiis 5-sano ah iyo inuu sanad walbo qaato €2.7m.
Balse kooxda Juventus weli naadiga Schalke lama heshiinin madaama ay xidigan dhalinta yar kooxda reer Jarmal ku dooneyso €35m halka Juve dhankeeda diyaar ka tahay €25m.
Dhinaca kale Juve ayaa dib u dhigeyso inay soo xero galinta 21-jirkan dar dar galiso waayo waxay weli ka war sugeysaa Mario Gotze inuu go’aankiisa badalo.
Juve dooqeeda kowaad waa saxiixa Mario Gotze sidaa darteed waxay ka warsugee mudo gaaban in kubad qaabeeyahan uu kooxdiisa Bayern kaga codsaday in la fasaxo xagaagan.
Midaasna waxay Juve u suura galin doontaa ina Gotze magaalada Turin keento madaama xidigan uu si gaaar ah u dalbaday saxiixiisa macalin Allegri.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in saxiixa Draxler uu hakad ku jiri doono madaama ay Juve raajicineyso soo xero galinta Gotze.
Hadii ay soo xero galinta Gotze ka quusato ayay Juve si toos ah Draxler magaalada Turin u keeni doontaa xagaagan.