Kabtan Francesco Totti ayaa la xaqiijiyay inuusan caawo kooxdiisa AS Roma u cayaari doonin kulanka ay la cayaari doonto naadiga Fiorentina wareega 16-aad tartanka Europa League lugtiisa kowaad.
38-jirkan jug dhanka muruqa ah ayuu qabaa waxaana lagu rajo weynaa inuu kulank caawo ka qayb qaato balse wuxuu ku guul dareestay tijaabadi caafimaad ee laga qaaday ka hor kulankan.
Totti kooxdiisa Roma uma soo raacin magaalada Florence wuxuuna ku haray xarunta tababarka Roma si dhaawaciisa loo ilaaliyo.
Balse saxiixa cusub ee kooxda Roma Seydou Doumbia ayaa la xaqiijiyay inuu kulankan adag safan karo wuxuuna doonayaa inuu kooxdiisa u dhaliyo gookiisa ugu horeeyo.
Guud ahaan macalin Rudi Garcia xidigaha hoos ku qoran ayuu u xusahay kulanka Fiorentina:
Astori, Holebas, Cole, Curci, De Rossi, De Sanctis, Doumbia, Florenzi, Gervinho, Iturbe, Keita, Ljajic, Manolas, Yanga-Mbiwa, Nainggolan, Paredes, Pjanic, Skorupski, Spolli, Torosidis, Ucan, Verde.