Da’yarka Belgiumka iyo kooxda Wolfsburg Kevin De Bruyne ayaa loo doortay inuu ahaa xidigii ugu fiicnaa horyaalka Jarmalka xagaagii lasoo dhaafay isagoo abaalmarintaan ku garaacay Robben iyo Neur oo labaduba ka tirsan Bayern Munich.
Kevin De Bruyne wuxuu kooxdiisa u suuragaliyay iney kaalinta labaad ka gasho Bundesliga, sidoo kalana Finalkii DFB Pokal ayey ku garaaceen Dortmund.
De Bruyne ayaa dhaliyay 10-gool sidoo kalana wuxuu caawinaad sameeyay 20-gool isagoo sidoo kale abuuray fursado ka badan.
Kevin wuxuu helay 367 cod, halka Robben uu helay 94-cod, waxaase kaalinta sadexaad galay Manuel Neuer oo helay 67-cod.
Sidoo kale Dieter Hecking oo ah tababaraha Wolfsburg ayaa loo doortay macalinkii ugu fiicnaa Bundesliga xagaagii dhamaaday.
Jurgen Klopp ayaa kala horeynta ka galay kaalinta 5-aad, halka Pep Guardiola uu isna galay booska 8-deedaad.
Ugu dambeyntii Kevin De Bruyne ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ku biirayo kooxda Mancheste City xagaagan iyadoo wax walba ay dhaw yahiin.