Home » Maxaa Cusub » Rasmi Kooxda Arsenal Oo Yaya Sanogo Qaab Amaah Ah Ku Siisay Naadiga Ajax

Rasmi Kooxda Arsenal Oo Yaya Sanogo Qaab Amaah Ah Ku Siisay Naadiga Ajax


Yaya sanogo

Weeraryahanka reer France ee dhalinta yar Yaya Sanogo ayaa aqbalay inuu ku biiro kooxda Ajax wuxuuna waayihiisa cayaareed kasii wadan doonaa horyaalka dalka Holland.

Xidigan ka tirsan xulka France ee da’dooda ka hoosyeo 21-sano waxay  kooxdiisa Arsenal amaah ku siisay naadiga Ajax si uu waqti dheeri ah uu garoomada ku galo u helo sidoo kalena kooxda Ajax ayaa xidigan u fidisay balan qaad uu ku qancay.

Yaya Sanogo 6-bilood ee ugu dambeesay qaab amaah ah wuxuu kula joogay naadiga Crystal Palace balse uma suura galin inuu kulamo badan cayaaro.

Haatan wuxuu kalsooni ka helay macalinka naadiga Ajax Frank de Boer oo doonayo inuu ka faa’iideesto kartida xidigan dhirirka badan.

Sanogo tan iyo markii uu sanadii 2013 kusoo biiray Arsenal uma suura galin inuu Gunners-ka ka dhex muuqdo waxaana ugu wacan dhaawacyo hareeyeen xidigan iyo asigoo doorkiisa kasoo dhalaali waayay.

Haatana macalin Arsene Wenger wuxuu sheegay inuu fursas siin doono weeraryahanka dhalinta yar Chuba Akpom sidaa darteed Sanogo ayaa ku qasbanaaday inuu dalabka Ajax aqbalo marba hadii Emirates boos ka heleyn.

Wenger oo niyada u dhisaayo Sanogo wuxuu yiri “Wuxuu u baahan yahay inuu cayaaro, dhaawaciisa ayaa batay mana naga helin fursado badan”

“Waana ku kalsoonahay inuu si wacan kooxda Ajax kaga dhex muuqan doono madaama ay tahay naadi aad u wanaagan”

“Sidoo kalena wuxuu fursad u helaa inuu kooxdiisa cusub Champion-ka kala qayb qaato waana arin u wanaagsan”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>