Daafaca garabka bidix ee xulka Brazil Felipe Luis ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore Atletico Madrid kaidb markii uu 12-bilood ee dhib badan ku qaatay galbeedka London.
Felipe Luis ayaa ku guul dareestay xili cayaareedkii hore inuu booska kula tartamo Cesar Azpilicueta wuxuuna xidigan noqday daafac kursiga keydka la ah.
Inkastoo kooxda Chelsea uu Luis kula guuleestay EPL xili cayaareedkii dhawaa hadana wuxuu kooxdiisa ka dalbaday in la iska fasaxo madaama uu jecel yahay inuu si joogto ah u cayaaro.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Atletico Madrid £11.1 million kusoo iibsatay Felipe Luis halka ay xagaagii hore daafacan Chelsea markii ay ka iibisay ay ka heshay £15.8 million.
Macalin Diego Semoene ayaa ka dambeeyay inuu daafacan dib ugu soo laabto garoonka Vicente Calderon madaama uu aad uga helo qaabka uu kubada u difaaco uguna weerar galo.
Chelsea ayaa qoraal rasmi ah ku sheegtay in Luis uu kooxdiisii hore dib ugu laabtay sidoo kalena waxay Blues xidigan u rajeesay hormar wanaagsan iyo nasiib wacan.
Chelsea waxaa la rajeynaa inay booska Luis keensan doonto daafaca reer Ghana Baba Rahman ayadoo haatan ku qaadan rabto £15m wuxuuna xidigan ka tirsan naadiga Augsburg ee ka dhisan dalka Jarmalka.
Chelsea sidoo kale waxay wada hadalo la wadaa daafaca garabka bidix ee kooxda Galatasaray Alex Telles hadii ay Baba Rahman saxiixiisa dhibaato kala kulanto.