Kooxda faransiiska ka dhisan ee Bastia ayaa xaqiijisay iney shaqadii ka ceyrisay Claude Makelele oo lix bilood kaliya hayay xilka macalinimo ee kooxda waxaana loo aaneeyay qaab xumo uu ku bilaabay waayahiisa kooxda.
Bastia ayaa haatan fadhisa booska labaad ee ugu hooseeya horyaalka faransiiska waxeyna guul gaartay kaliya laba kulan 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay horyaalka faransiiska.
Claude Makelele oo horay ugu soo ciyaaray kooxo ay ka mid yahiin Real Madrid, Chelsea iyo Paris Saint Germain ayaa shaqadiisii ugu horeysay ee tababaranimo loo dhiibay bishii May ee sanadkaan.
Si Kastaba Lix bilood kadib Bastia haatan waxey u baahi qabtaa macalin badala Makele madama ay ku dhawaaqeen inuu kooxda isaga tagay Mekelele.
Ugu dambeyntii Makelele ayaa kulankiisii ugu dambeeyay kooxdiisa hogaamiyay sabtidii markaas oo ay kooxdiisa guul soo daahday ka gaartay Guingamp, wuxuuna goolkaas kaga mahad celiyay Sambou Yatabare.