Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi: Kooxda Boca Junior Oo Ku Dhawaaqday Iney Dib Ula Soo Saxiixatay Carlos Tevez

Rasmi: Kooxda Boca Junior Oo Ku Dhawaaqday Iney Dib Ula Soo Saxiixatay Carlos Tevez


tEVEZ

Kooxda Boca Junior ayaa ku dhawaaqday iney dib ula soo saxiixdeen weeraryahanka reer Argentina Carlos Tevez iyagoo ku xaqiijiyay bogga ay ku leeyahiin twitter-ka.

Ku dhawaaqidaan ayaa kusoo aadeysa xili Carlos Tevez uu lugtiisa ugu gudbiyay xulka qaranka Argentina xalayto Semi finalka Copa America kadib markii uu dhaliyay rigooradii ay ku gaareen wareegaas waxaana dib ugu soo laabanaya Boca wiilkii hore kooxaha West Ham, Man United, Man City iyo Juventus.

“Tevez wuxuu kusoo laabtay gurigiisa, waa dhab, waana rasmi, Carlos wuxuu kusoo laabtay Boca” Ayey kusoo qortay Boca Junior bogeeda twitter-ka.

Sidoo kale madaxweynaha kooxda Daniel Angelici ayaa u xaqiijiyay BBC-da iney la saxiixdeen Tevez

“Waa maalin farxadeed iyo qanacsanaan weyn, soo laabashada Tevez waa xaalad aan caadi aheyn”

Sidoo kale Angelici ayaa qiray in Jamaahiirta, maamulka iyo dhamaan dadka reer Argentina ay aad ugu faraxsan yahiin imaatinka Carlos Tevez .

Dhanka kale Angelici wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisa ay noqon doonto mid xoog badan madama uu yimid Carlos Tevez.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>