Kooxda Everton ayaa si rasmi ah heshiis 5-sano ah kaga saxiixatay laacibkii hore ee kooxda Man United Tom Cleverley.
25-jirkan ayaa xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday qaab amaah ah kula joogay naadiga Aston Villa balse heshiiskii uu United kula joogay ayaa bishan June dhamaaday.
Wuxuuna ku qancay dalabka ay kooxda Everton usoo bandhigtay sidaa darteed Tom Cleverley 5-xili cayaareed nagu soo fool leh inuu garoonka Godisan Park ka cayaaro ayuu go’aansaday.
Macalinka kooxda Everton Roberto Martinez ayaa ku faraxsan inay gacanta kusoo dhigeen xidigan tayada wanaagsan ee u dhashay xulka England.
Macalin Martinez iyo Tom Cleverley ayaa saaxiibo ah waayo xidigan kulankiisii ugu horeeyay ee Premiership-ka England ah 5-sano ka hor macalinkan ayaa cayaarsiiyay xili uu qaab amaah ah naadiga Wigan Athletic ugu biiray.
Sidaa darteed labadan shaqsi markale ayay dib u midoobeen 5-sano kadib waxayna haatan ka wada shaqeyn doonaan danaha kooxda Everton oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday ka gashay Premiership-ka kaalin aysan u qalmin.
Tom Cleverley ayaa dhanka kale sheegay inuu ku faraxsan yahay ku biiritaanka kooxda Everton sidoo kalena uu doonayo inuu qaab cayaareedkiisii wanaagsanaa dib usoo ceshto.