Kooxda ka dhisan horyaalka talyaaniga ee Fiorentina ayaa ku dhawaaqday iney shaqada tababaranimo ee kooxda ka ceyrisay Vincenzo Montella.
40-jirkaan reer talyaani ayaa hayay xilka kooxdaan tan iyo sanadii 2012, balse intaba wuu ku guuldareestay inuu kooxda gaarsiiyo halkii ay doonayeen madaxda kooxda wuxuuna sadexdii xili ciyaareed oo uu hayay uu mid walba ku dhameestay kaalinta 4-aad ee horyaalka, inkastoo uu sanadii 2014 gaarsiiyay finalka Copa Italia.
Macalinkii hore Catania iyo Roma ayaa haatan lagu arki doonin kursiga keydka kooxda Fiorentina, waxeyna haatan baadi goob u gali doontaa badalka macalinkaan.
Si kastaba warbixin rasmi ah oo kasoo baxday maamulka kooxda ayaa lagu baahiyay baraha ay internet-ka ku leeyahiin kooxda iyo sidoo kale website-kooda rasmig ah taasoo cadeyneysa in Vincenzo Montella laga raacdeeyay shaqada kooxda.