Juventus ayaa dhameystirtay saxiixa da’yarkii Palermo Paulo Dybala wuxuuna kooxdaan ka dhisan magaalada Turin u saxiixay heshiis shan sano ah.
Sida la shaaciyay Juventus waxey dhigeeda Palermo ku wareejin doontaa aduun dhan 32 Malyan Oo Euro waxaana si rasmi ah u xaqiijiyay kooxdiisa Palermo.
“rabitaankaaga hakuu wacnaado inta kaaga harsan waayahaga ciyaaraha waana fariin kaaga imaaneysa madaxweyne Maurizio Zamparini iyo dhamaan qoyska Rosanero”
Juventus ayaa sidoo kale xaqiijisay in heshiiska uu dhacay isla markaana ay la saxiixdeen xidigaan reer Argentina ee weerarka ka ciyaara.
“Kooxda kubada cagta Juventus waxey iclaamisay iney heshiis la gaartay Palermo kalana heshiisay saxiixa Dybala, kaas oo heshiis shan sano ah saxiixay” ayey u qorneed warbixin ay shaacisay Juventus.
“Lacag dhan 32 Malyan oo Euro ayaan kula heshiinay oo ah afar sano, waxaana intaas dheer in heshiiska ay ku jirto 8 Malyan oo Euro oo la xiriiri doonta bandhigiisa”
Ugu dambeyntii Paulo Dybala ayaa xagaagan 13-gool u dhaliyay kooxdiisa Palermo isagoo sidoo kalana sameeyay 10-caawinaad ah 34-kulan oo uu ciyaaray.