Home » Europe » Champions League » Rasmi: Kooxda Juventus Oo Xaqiijisay In Giorgio Chiellini Uu Seegi Doono Finalka Champions League-ga

Rasmi: Kooxda Juventus Oo Xaqiijisay In Giorgio Chiellini Uu Seegi Doono Finalka Champions League-ga


Chiellini

Daafaca reer talyaani ee kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa seegi doona finalka koobka horyaalada yurub ee sabtida ka dhici doona Berlin sida ay xaqiijisay kooxdiisa.

Xidigaan heerka caalami ayaa laga reebay tababarkii shalayto kadib markii uu xanuun ka dareemay canqawga taasna waxey keentya in xidigaan uu awoodi waayo inuu deg-deg usoo kabto.

Bianconerri ayaa iclaamisay in maanta uu xidigaan marayo tijaabo dheeri ah taasoo lagu ogaanayo mudada uu garoomada ka maqnaan karo, waxaana soo baxay cabsidii laga qabay inuu finalka seego.

“Tijaabadii la sameeyay waxey na tustay in xidigaan uu lugtiisa bidix dhaawac tarar ah uu jiro, sidaas darteed daafacan uma suuragaleyso inuu ciyaaro kulanka Barcelona” ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Juventus.

Dhanka kale war wanaagsan ayaa usoo yeeray Bianconerri madama Andrea Barzagli uu dhameystay tababarkii maanta isagoo buuxin doona booska uu ka maqan yahay Chiellini.

Ugu dambeyntiina Chiellini ayaa ku rajo weynaa inuu mar kale wajaho Luis Suarez oo ay isugu dambeysay bishii July ee sanadii tagtay markaas oo ay isku arkeen Koobka Aduunka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>