Home » Maxaa Cusub » RASMI: Kooxda Liverpool Oo Jordan Henderson U Magacowday Kabtankeeda Cusub

RASMI: Kooxda Liverpool Oo Jordan Henderson U Magacowday Kabtankeeda Cusub


Henderson

Liverpool ayaa website-keeda gaarka ah ku shaacisay in Jordan Henderson uu yahay kabtanka cusub ee kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield Road.

Henderson oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ayaa haatan si joogto ah ula wareegaya kabtanka kooxda, wuxuuna isku diyaarinayaa haatan inuu xili ciyaareedkiisii shanaad la bilowdo Reds, xili kooxda ay dhawaan aadi doonto bariga fog iyo Australia.

“gabi ahaanba aad ayaan u faraxsanahay, waxaa sharaf weyn ii ah in la ii magacaabo kabtanka kooxdaan” Ayuu yiri Jordan Henderson.

Si kastaba Henderson ayaa ahaa kabtanka labaad ee kooxda xagaagii lasoo dhaafay inkastoo uu kulamo badan xirtay calaamadan madama uusan si joogto ah u ciyaareynin Gerrard, hadana xidigaan ayaa qiray inuu diyaar u yahay qaadida masuuliyadda hogaanka kooxdan.

25-jirkaan heerka caalami wuxuu kooxda Anfield ka dhisan yimid sanadii 2011 isagoo kaga yimid kooxda Sunderland ee ku ciyaarta Stadium of Light.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>