Liverpool ayaa xaqiijisay in Glen Johnson iyo Brad Jones ay ka mid noqonayaan xidigaha ka tagaya Anfield Road marka uu si rasmi ah u dhamaado heshiiskooda 1-da July ee soo aadan.
Labadaan xidig ayaa u muuqan waayay kuwo kooxda caawiyi kara waxeyna ku sugnaayeen kooxda mudo lix sanadood ah.
Daafaca midig ee Glen Johnson wuxuu kooxdaan kusoo biiray sanadii 2009 wuxuuna sameeyay 200-kulan, sidoo kalana 9-gool ayuu dhaliyay waayahiisa Anfield wuxuuan sadex sano ka hor la qaaday League CUpka.
Jones isna wuxuu Liverpool kusoo biiray 2010, wuxuuna kaga yimid koxda Middlesbrough.
Dhanka kale labada wiil ee kasoo qalin jabiyay da’yarta Liverpool ee kala ah Jordan Lussey iyo Marc Pelosi ayaa iyaguna ku jira xidigaha la fasaxay kuwaas oo 30-ka June fasax ah.
Ugu dambeyntiina website-ka rasmiga ah ee Liverpool ayaa lagu qoray warbixintaan waxaana gunaanad looga dhigay, “Mustaqbal wanaagsan ayaan idiin rajeyneynaa”