Ugu dambeyntii kooxda Man City ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay weeraryahanka dhalinta yar Raheem Sterling.
Kooxda Liverpool ayaa aqbshay dalab kaga yimid Man City oo haatan xaqiijisay inay Sterling ku iibsatay 49m.
Sterling ayaa noqday taariikh ahaan cayaaryahanka ugu qaalisan ee dalka England u dhashay madaama Man City ay lacago waali ah ku iibsatay xidigan dhalinta yar.
Man City labo jeer oo kala duwan ayaa horey dalab Sterling ku aadan waxaa kaga diiday Liverpool sidaa darteed si uusan waqti dheeri ah kaga lumin ayay kooxdan u bixisay 49m oo ay qiimaha Liverpool Sterling kaga samri kartay.
20-jirkan xili cayaareedkii dhawaa wuxuu Liverpool u dhaliyay 7-gool sidoo kalena 7-kubadood ayuu dhiibay balse dhawaan ayuu ku gacan seeray inuu heshiis cusub Liverpool u saxiixo.
Madaama uu sheegay inuu isbadal doon yahay sidoo kalena uusan u arkin kooxda Liverpool naadi tiigsan karto hanashada koobabka kala duwan xili cayaareedka nagu soo fool leh.
Sterling ayaa kooxdiisa Man City u saxiixay heshiis waqtigiisa dheer yahay waxaana la filaa inuu garoonka Etihad boos joogto ah ku yeesho xidigan.