Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi: Kooxda Napoli Oo Dhameestirtay Saxiixa Xidiga Khadka Dhexe Ku Wanaagsan Mirko Valdifiori

Rasmi: Kooxda Napoli Oo Dhameestirtay Saxiixa Xidiga Khadka Dhexe Ku Wanaagsan Mirko Valdifiori


napoli

29-jirka khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Empoli Mirko Valdifiori ayaa si rasmi ah kooxda Napoli ugu biiray.

Mirko Valdifiori ayaa ku guuleestay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday wuxuuna ku faraxsan inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wadan doono kooxda Napoli oo usoo bandhigtay dalab raali galiyo.

Mirko Valdifiori oo mudo 7-sano ah ka tirsanaa naadiga Empoli ayaa xili cayaareedkii dhawaa wacdaro ka dhigay Serie A-da waana sababta keentay in kooxda Napoli ay heshiis la gaarto.

Napoli complete Valdifiori signing

Gudoomiyaha naadiga Napoli Aurelio de Laurentiis ayaa ka hadlay saxiixa xidigan tayada wanaagsan wuxuuna yiri “Soo dhawaaw Valdifiori saxiixa cusub ee Napoli waana hubaa inuu wax badan kooxda kusoo kordhin karo”

Mirko Valdifiori ayaa sidoo kale xulka Italy ka tirsan wuxuuna doonayaa inuu hormar dheeri ah sameeyo sidoo kalena kooxda Napoli ka caawiyo sidii ay xili cayaareedka dambe ugu tartami laheyd hanashada Serie A-da.

Dhanka kale gudoomiye Aurelio de Laurentiis ayaa ku goodiyay in kooxdiisa aysan xidig muhiim ah xagaagan iska iibin balse shaqada ay qaban doonaan ay noqon doonto inay saxiixyo dheeraad ah sameeyaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>