Kooxda Schalke 04 ayaa ugu dambeyntii heshay tababare cusub waxaana hogaanka kooxdan loo dhiibay macalin Andre Breitenreiter.
Macalin Andre Breitenreiter ayaa qalinka ku duugay heshiis 2-sano ah wuxuuna xilka kala wareegay Roberto Di Matteo oo Schalke laga racadeeyay bishii May ee aan kasoo gudubnay.
Agaasimaha guud ee kooxda Schalke Horst Heldt ayaa arinkan shaaca ka qaaday wuxuuna yiri “Waan ku faraxsanahay inaan helnay dooqii saxda ahaa ee Schalke ku raad joogtay waana tababare Andre Breitenreiter”
“Kadib bixitaankii Roberto Di Matteo waxaan u baahneyn macalin karti badan, soo jiidasho leh, sidoo kalena cayaaro kubad weerar ku dheehan oo lagu raaxeesan karo”
“Waxaan hubaa in tababare Andre Breitenreiter uu qancin karo hamiga iyo xamaasada taageerayaasheena”
Andre Breitenreiter oo 41-jir waxaa u taalo shaqo culus madaama kooxda Schalke ay ka mid tahay naadiyada Yurub ugu cadaadiska badan madaama ay kooxdan leedahay taageerayaal farabadan oo sanad walbo jecel inay arkaan kooxdooda oo koob ku guuleesato ama kaalin wanaagsan ka gasho Bundesligaha Jarmalka.