Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Liverpool Oo Dhameestirtay Saxiixa Xidiga Dhalinta Yar Joe Gomez

Rasmi: Liverpool Oo Dhameestirtay Saxiixa Xidiga Dhalinta Yar Joe Gomez


gomez

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah usoo bandhigay saxiixa daafaca dhalinta yar Joe Gomez oo ay kaga guuleesatay kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Joe Gomez ayaa isaga soo baqoolay naadiga Charlton Athletic wuxuuna Liverpool u saxiixay heshiis 5-sano ah.

Liverpool ayaa kusoo iibsatay Gomez £3.5million wuxuuna ka mid yahay dhalinta haatan dalka England ugu wanaagsan sidoo kale lagu tilmaamo xidig kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leh.

18-jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis u ogolaan doono inuu Anfield sii joogo ilaa sanada 2020 sidoo kalena wuxuu xarunta tababarka Reds soo xaadiri doona 6-bisha July waana marka ay dhamaan xidigaha Liverpool fasaxa xagaagan kasoo laaban doonaan.

Joe Gomez ayaa ku guuleestay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday wuxuuna u mahad celiyay kooxdiisii hore Charlton oo u ogolaatay riyadiisii ahayd inuu naadiga Liverpool ku biiro u rumowdo.

Daafacan dhalinta yar ayaa lagu wadaa inuu si toos ah kaga mid noqdo xidigaha uu macalin Rodgers leyliyo wuxuuna Liverpool xagaagan ula safri doonaa Bariga fog iyo Australia oo ay safaro cayaareed ku aadi doonto.

Joe Gomez oo ka hadlaayo ka mid noqoshada Liverpool wuxuu yiri “Waa riyo ii rumoowday inaan Liverpool ka mid noqdo”

“Liverpool waa naadi fac weyn taariikhdeeda weyn tahay sidaa darteed waxaan doonaa inaan Reds sanado badan ka mid ahaado sidoo kalena aan ka dhex muuqdo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>