Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Liverpool Oo Dhameystirtay Saxiixa Christian Benteke, 32.5 Malyan Oo Pound Ayuu Anfield Ku Yimid

Rasmi: Liverpool Oo Dhameystirtay Saxiixa Christian Benteke, 32.5 Malyan Oo Pound Ayuu Anfield Ku Yimid


Benteke

Liverpool ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahankii kooxda Aston Villa Christian Benteke kaas oo Anfield Road ku yimid aduun dhan 32.5 Malyan Oo Pound waana saxiixii labaad ee ebid ugu qaalisanaa kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

Benteke ayaa sanadii 2012 kusoo biiray kooxda Aston Villa wuxuuna ka yimid Misland naadiga la yiraahdo, 88-kulan oo uu horyaalka u ciyaaray wuxuu u dhaliyay 42-gool.

Sidoo kale Liverpool waxey lasoo saxiixata Roberto Firmino iyo Danny Ings, halka Sturridge uu dhaawaac kaga maqan yahay kooxda Suarez iyo Sterling ayaase ka tagay kooxdaan.

Dhanka kale weerarka Liverpool ayaa markaan noqon doona mid dagaal ba’an uu ka dhaco madama Benteke, Ings, Origi iyo Firmino ay isku heystaan, walow Sturridge uu sii joogo.

Xidigaha Lambert, Borini iyo Balotelli ayaan u muuqan kuwo kooxda boos ka heli kara waxaana loo badinayaa iney isaga tagayaan xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>