Wargeska The Metro ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in kooxda Liverpool ay wada hadalo la bilaawday xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka France Yohan Cabaye oo ka dhawaajiyay dhawaan inuu kooxdiisa PSG isaga hayaami doono horaanta bisha Janaayo.
Reds ayaa ku kalsoon inay ku guuleesan karto saxiixa Cabaye inkastoo kooxo badan ay ku raad joogan, wuxuuna wargeska The Metro ka dhawaajiyay in Liverpool ay wada hadalo kula jirto Cabaye iyo wakiilkiisa hadii ay heshiiska shaqsiga ah wada gaaraan waxay Liverpool markaas wada xaajood la furi doontaa naadiga PSG.
Kubad sameeyahan tayada wanaagsan waxaa lagu qiimeeyaa £20m waana qiimo lacageed oo ay Liverpool bixin karto, sidoo kale macalin Brenden Rodgers ayaa laacibkan taageero u ah wuxuuna ku xoojin doonaa khadka dhexe ee Liverpool.
Cabaye Premiership-ka kuma cusbo waayo horey wuxuu ugu cayaari jiray kooxda New Castle asigoo u saftay 93-kulan wuxuuna u dhaliyay 18-gool sidaa darted Cabaye ayaa doonayo inuu dib ugu soo laabto EPL horaanta sanadka cusub inkastoo weli Liverpool si rasmi ah saxiixiisa ugu guuleesanin.