Paris Siant Germain ayaa xaqiijisay in Lucas Moura uu kordhiyay qandaraaska uu haatan kula jiro kooxdiisa isagoo gaarsiiyay ilaa sanadka 2019.
Xidigaan reer Brazil ayaa raacay wadadii Javi Pastore kaas oo shalayto isna heshiiska u kordhiyay kooxdiisa waana qeyb ka mid ah ololaha uu wado Blanc oo ah inuu heshiis ka saxixo ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.
Lucas Moura wuxu kusoo biiray Paris Saint Germain January 2013, inkastoo u xili ciyaareedkii ugu horeeyay gaabiyay hadana haatan waa xubnaha ugu muhiimsan kooxda.
Xili ciyaareedkaan wuxuu koxda kula guuleystay koobab sadexley ah isagoo dhaliyay sideed gool, laba sanadood ayuuna ku kordhiyay heshiiskiisa kaas oo dhici lahaa 2017.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan ku ciyaaro waana sharaf weyn, waxaan rajeynaya inaan sii caawiyo kooxda si ay ugu guuleysato horyaalka”
“Riyadeyda waa inaan qeyb ka ahado taariikhda kooxda, waxana rajeynaya inaan ilaashado, xili ciyaareedka dambe waa inaan ku guuleysano Champions League