Home » Horyaalada » La Liga Spain » Rasmi: Luis Suarez Oo Seegi Doona Kulanka Ugu Dambeeya Horyaalka Ee Deportivo La Coruna

Rasmi: Luis Suarez Oo Seegi Doona Kulanka Ugu Dambeeya Horyaalka Ee Deportivo La Coruna


Suarez

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga ee ay caawa la ciyaari doonto kooxda Deportivo La Coruna kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah uu lasoo darsay xidigaan.

Goor hore ayey Bulgarana ku guuleystay horyaalka La Liga, inkastoo ay final taagan taagan tahay Copa del Rey iyo Champions League, hadana kulan caadi ah ayey la yeelaneysaa caawa Deportivo oo ka ordeysa heerka labaad, waxeyna u diyaarsan tahay iney gurigeeda ugu dabaal dagto horyaalkeedii 23-aad.

Marc-Andre ter Stegen, Gerard Pique, Ivan Rakitic, Sergio Busquets iyo Dani Alves ayaa gabi ahaantood seegid oona kulankaan kuwaas oo aan ku jirin 18-kii xidig oo uu Enrique usoo xushay kulankaan.

Kulanka maanta waa mid xusuus weyn u leh Jamaahiirta Barcelona kuwaas oo si qurux badan isugu diyaarinaya iney ku sagootiyaan Xavi Herandnez oo kulankiisii ugu dambeeyay ku ciyaari doona Camp Nou madama uu khamisitsii ku dhawaaqay inuu ku biiri doono kooxda Al Sadd ee dalka Qatar.

Ugu dambeyntiina maanta waxey sidoo kale xusuus u tahay Thomas Vermaelen kaas oo filanaya inuu safto kulankiisii ugu horeeyay isagoo xiran maaliyada Barcelona tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray bilowgii xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>