Home » Maxaa Cusub » Rasmi Macalin Claudio Ranieri Oo Hogaanka Kooxda Leicester City La Wareegay Kuna Soo Laabtay EPL

Rasmi Macalin Claudio Ranieri Oo Hogaanka Kooxda Leicester City La Wareegay Kuna Soo Laabtay EPL


reniri

Macalinka waaya araga ah ee reer Talyaani Claudio Ranieri ayaa si rasmi ah ula wareegay hogaaanka naadiga Leicester City wuxuuna dib ugu soo laabtay horyaalka England.

Claudio Ranieri oo 63-jir ah ayaa u saxiixay naadiga Leicester City heshiis 3-sano ah wuxuuna ku qancay qorshaha ay usoo bandhigeen maamulka kooxdan.

Claudio Ranieri ayaa xilka kala waregay tababare Nigel Pearson oo dhawaan hogaanka kooxda Leicester maamulka ka xayuubiyeen.

Macalin Claudio Ranieri isaga shaqo cusub ayuu u baahnaa madaama uu kusoo fashilmay shaqadii uu ka haayay xulka Greece.

Tababarahan waaya araga ah ayaa dalka Austria gaari doono madaama ay haatan kooxda Leicester halkaas tababar ku qaadaneyso.

Wuxuuna kulankiisa ugu horeeyo leylin doonaa cayaar ay Leicester wajihi doonto naadiga Sunderland 6-bisha August.

Claudio Ranieri waxaa lagu xasuustaa 10-sano ka hor inuu leylin jiray naadiga Chelsea weliba uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee Roman Abromavic uu Chelsea kala shaqeeyay.

Wixii markaas ka dambeeyay xilil badan oo aad u kala duwan ayuu soo qabtay waxaana la rajeynaa inuu xili cayaareedka cusub 2015/16 naadiga Leicester guul u horseedo marka uu bilaawdo Premiership-ka England.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>