Home » Europe » Champions League » Rasmi: Macalin Luis Enrique Oo Magaalada Munich Ula Safray 26-Cayaaryahan Oo Caafimaad Qabto

Rasmi: Macalin Luis Enrique Oo Magaalada Munich Ula Safray 26-Cayaaryahan Oo Caafimaad Qabto


Enrique

Kooxda Barcelona ayaa u safartay magaalada Munich ee dalka Jarmalka madaama ay habeen dambe la cayaari doonto Bayern Munich lugta labaad ee Semi Finalka Champion-ka.

Barcelona ayaa lugtii hore 3-0 guusha ku qaadatay waxayna kooxda reer Spain qarka u saaran tahay inay Finalaha tartanka Yurub xaadir ku noqoto kaasi oo 6-bisha June ka dhici doono magaalada Berlin.

Hadaba macalin Luis Enrique ayaa magaalada Munich ula safray dhamaan xidigahiisa ugu awooda badan madaama ay tababarkii ugu dambeeyay dhameesteen ayagoo bed qabaan.

Guud ahaan macalin Luis Enrique wuxuu dalka Jarmalka ula safray 26-cayaaryahan oo caafimaadkooda taami yihiin.

Waxayna xidigahaas kala yihiin: Ter Stegen, Bravo, Masip, Alves, Montoya, Douglas, Alba, Adriano, Mathieu, Mascherano, Vermaelen, Pique, Bartra, Sergio, Xavi, Iniesta, Sergi Roberto, Samper, Rakitic, Rafinha, Pedro, Sandro, Munir, Neymar Jr., Messi, and Suarez.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Rasmi: Macalin Luis Enrique Oo Magaalada Munich Ula Safray 26-Cayaaryahan Oo Caafimaad Qabto

  1. cabdi barca Reply

    11-May-2015 at 12:54 pm

    barca guuuuuuul iyo usoo bixitaanka championka

    guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>