Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Macalin Paulo Sousa Oo La Wareegay Hogaanka Naadiga Fiorentina

Rasmi Macalin Paulo Sousa Oo La Wareegay Hogaanka Naadiga Fiorentina


paulo-sousa-fc-porto-fc-basel-champions-league-10042015_1lgd3arq9lcjr1tn082315a9ux

Tababaraha reer Portugal Paulo Sousa ayaa si rasmi ah hogaanka kooxda Fiorentina ila wareegay wuxuuna xili cayaareedka dambe ka shaqo gali doonaa Serie A-da Talyaaniga.

Paulo Sousa ayaa xilka kooxda FC Basel iska dhiibay arbacadii dhaweyd wuxuuna qorshihiisa ahaa inuu hogaanka Fiorentina la wareego madaama kooxda Violla iyadana dhankeeda ay macalinkeedii Vicenzo Montella hore isaga racadeesay.

Paulo Sousa ayaa asigoo cayaartooy ah Serie A-da Talyaaniga ka cayaari jiray wuxuuna waqti wanaagsan lasoo qaatay kooxda Juventus.

Sidoo kalena Paulo Sousa oo xulka Portugal sanado badan ayaa sidoo kale koobka horyaalada Yurub kula guuleestay kooxaha Juventus iyo Dortmund.

44-jirkan macalinamada wuxuu kasoo bilaabay dalka England asigoo soo leyliyay naadiga QPR, Swansea City iyo Leicester City.

Kadibna mudo labo sano naadiga Videoton ee ka dhisan dalka Hungary ayuu macalin u ahaa wuxuuna u qaaday koobka dalka Hungary laga cayaaro sanadii 2013.

Paulo Sousa ayaa hadana usii dalacay inuu hogaamiyo naadiga Maccabi Tel Aviv wuxuuna u qaaday horyaalka dalka Israel sanadii 2014.

Xili cayaareedkii dhawaa Paulo Sousa wuxuu waqti wanaagsan la qaatay kooxda FC Basel sidoo kalena horyaalka Switzerland ayuu u qaaday wuxuuna soo gaarsiiyay koobka horyaalada Yurub wareegiisa 16-aad.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>