Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Macalin  Sinisa Mihajlovic Oo Hogaanka Kooxda AC Milan La Wareegay

Rasmi Macalin  Sinisa Mihajlovic Oo Hogaanka Kooxda AC Milan La Wareegay


miha

Tababaraha reer Serbia  Sinisa Mihajlovic ayaa si rasmi ah loogu magacaabay macalinka cusub ee kooxda AC Milan leylin doono xili cayaareedka dambe.

Sinisa Mihajlovic ayaa galay booska macalin Pipo Inzaghi oo laga qaaday xilka kooxda AC Milan madaama uu Inazaghi ku guul dareestay inuu xili cayaareedkan Milan guulo gaarsiiyo.

Sinisa Mihajlovic ayaa dhawaan xilka naadiga Sampadoria iska dhiibay inkastoo uu kooxdan u suura galiyay inay kaalinta 7-aad Serie A-da kaga dhameesato.

Sinisa Mihajlovic ayaa sidoo kale dalab wanaagsna ka helay kooxda Napoli si uu Rafeal Benitez u badalo balse qorshaha naadiga AC Milan ayuu ku qancay.

46-jirkan ayaa heshiis labo sano ah kooxda AC Milan u saxiixay waxaana la filaa inuu Milan dib u dhis weyn ku sameeyo madaama la siin doono xagaagan lacago uu suuqa Yurub cayaartooy kaga soo iibsado.

Sinisa Mihajlovic aya horey ugu cayaari jiray kooxda Inter Milan  sidoo kalena tababare labaad ayuu Inter u noqday.

Waxaa intaas usii dheer inuu macalin buuxo usoo noqday kooxaha Bologna, Catania, Fiorentina iyo xulka Serbia.

Waxaana la filaa inuu isbadal weyn ku sameeyo naadiga Milan oo xaalkeeda xumaa labadii sano ee ugu dambeesay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>