Madaxweynaha kooxda Inter Milan Erick Thohir ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay isku dayi doonto saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Manchester City Yaya Toure.
Mustaqbalka Toure ee Etihad Stadium ayaa shaki weyn uu ku jiraa waxaana si ba’an loola xiriirinayaa macalinkiisii hore Roberto Mancini kaas oo haatan Inter Milan maamula.
Milkiilahaan cusub ayaa qiray in kooxdiisa ay sameyn doonto isku day walba oo ay kula soo saxiixan karto Yaya Toure isagoo u waramay Il Tempo.
“Imisaan fursad u heysanaa inaan la saxiixano? Ma sheegi karo, Balse wey iska cadahay inaan dooneyno inaan keeno halkaan” ayuu yiri Thohir.
Si kastaba 60% ayaa lagu qiyaasay in Yaya Toure uu ka dhaqaajin doono garoonka Etihad Stadium waxaana jirta qorshe ay wado City oo ah in Pogba ay ku badalato sadex laacib oo uu ka mid yahay Yaya Toure.
Ugu dambeyntii Roberto Mancini qudhiisa xidigaan aad ayuu u xiiseynayaa inuu Inter Milan yimaado madama kooxda uu dib u habeyn weyn ku sameyn doono xagaagan.