Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Man United & Bayern Oo Si Wadajir Ah U Xaqiijiyay Iney Ka Heshiiyeen Arinta Bastian Schweinsteiger

Rasmi: Man United & Bayern Oo Si Wadajir Ah U Xaqiijiyay Iney Ka Heshiiyeen Arinta Bastian Schweinsteiger


Bastian

Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa xaqiijiyay in Bastian Schweinsteiger uu ku biirayo Manchester United xagaagan.

Rummenige ayaa qiray in kooxdiisa ay isku dayday iney ku qanciso kabtanka Jarmalka inu sii joogo kooxda balse 30-jirkaan uu u baahan yahay inuu furto cutub cusub oo noloshiisa kubada cagta ah.

Ma uusan xaqiijin Rummenige lacagaha ay ku heshiiyeen kooxda United, balse waxaa la aaminsan yahay inuu kaga tagayo Allianz Arena 15 Malyan Oo Pound, wuxuuna kooxda waaweyn ee Bayern ka mid ahaa mudo 13-sano ah.

Shaqaalaha caafimaadka Manchester United ayaa maanta galinka dambe waqtiga Ingiriiska ku dhowri doona Bastian xerada tababarka Carrighton Training si uu tijaabo caafimaad ugu maro.

Dhanka kale Bastian Schweinsteiger wuxuu noqonayaa xidigii ugu horeeyay ee Jarmal ah ee xirta ebid maaliyada kooxda Manchester United.

“Bastian wuxuu doonayaa wax cusub, isla markaana uu soo afjaro waayahiisa kooxda, wuxuu na weydiistay inaan la kulano kooxda uu rajeynayo”

“Waxaan leenahay nabad galyo, waxaan kaliya u rajeynayaa Bastian si wanaagsan, waana wax xiiso leh tartanka cusub oo uu galayo, waxaan isku dayay inaan ku qanciyo inuu halkaan kasii ciyaaro”

Manchester United then confirmed the signing via their Twitter feed shortly afterwards

Bayern Munich chief executive Karl-Heinz Rummenigge confirmed Schweinsteiger's move 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>