Manchester United ayaa saxiixa Memphis Depay ku garaacday Liverpool kadib markii kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal ay qiimaha xidigaan kala heshiiyeen kooxdiisa PSV Eindhoven, wuxuuna Old trafford ku imaanayaa aduun dhan 22 Malyan Oo Pound.
United iyo PSV ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay maanta in 21-jirkaan uu u dhaqaaqi doono Old Trafford, isla markaana uu caafimaad u mari doono June marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda furmo.
United ayaa boggeeda twitter-ka kusoo qortay: “Manchester United waxey heshiis la gaartay PSV Eindhoven iyadoo kala heshiisay arinta Memphis Depay, waxaana kaliya haray caafimaad”
In Heshiiska la dhameystiro kaliya waxey ku xiran tahay dib u furmitaanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo markaas sheekada lagu kala bixi doono.
Si kastaba Memphis Depay ayaa dhaliyay 24-gool, 35-kulan oo uu kooxdiisa u saftay xagaagan, waxaana booskiisa gali doona da’yarka reer Sweden Sam Larsson.
Ugu dambeyntii Memphis Depay ayaa noqonaya xidigii ugu horeeyay ee kusoo biiray United, wuxuuna xidigaan ku jiray liis u qoran LVG oo uu doonayo inuu kooxdiisa ku xoojiyo xagaaga soo aadan.