Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Man United Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Goolhayahii Badali Lahaa David De Gea, Waana Sergio Romero

Rasmi: Man United Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Goolhayahii Badali Lahaa David De Gea, Waana Sergio Romero


Romero

Manchester United ayaa xaqiijisay iney lasoo saxiixatay goolhayaha xulka Argentina Sergio Romero kaas oo kooxda qalinka ugu duugay heshiis sadex sano ah.

28-jirkaan heerka caalami wuxuu si xor ah ku yimid garoonka Old Trafford waxaana la hadal hayaa inuu badal u noqon doono Victor Valdes oo loo sheegay inuusan kooxda kasii mid ahaan doonin.

Sergio Romero wuxuu kasoo hoos ciyaaray Louis Van Gaal sanadii 2009, markaasna waxey labadaan shaqsi ku wada guuleysteen horyaalka Holland kooxda AZ Alkamar ayeyna wada joogeen.

Sergio Romero ayaa noqonaya xidigii sadexaad ee ka tirsan xulka Argentina ee ku sugan Man United Di Maria iyo Rojo ayaana kaga horeeyay kooxda Mareykanka ayuuna kooxda kula sugan yahay waqtigaan iyadoona lasoo bandhigay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku biiro Man United, inaan u ciyaaro koox ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida waa riyo ii rumowday” Ayuu yiri Sergio Romero.

“Louis Van Gaal waa macalin cajiib ah, ma sugi karo inuu bilowdo xagaaga oo aan u dagaalo waayaheyga cusub” ayuu yiri Romero.

Sergio Romero wuxuu noqonayaa saxiixii shanaad ee kusoo biira Man United xagaagan kadib Depay, Bastian, Morgan iyo Darmian.

Romero 1

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Rasmi: Man United Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Goolhayahii Badali Lahaa David De Gea, Waana Sergio Romero

  1. farxaan Reply

    27-July-2015 at 3:11 pm

    wan ku qanacsan nahay sergio ramero inuu no badalo deg degkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>