Xiriirka kubada cagta dalka Jarmalka ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen in Marco Reus uusan xulkan u safan doonin kulamada ay cayaari doonaan maal maha nagu soo fool leh madaama xidigan dhaawac cusub dhanka qoobka kasoo gaaray.
Reus ayaa xili fiican kooxdiisa Dortmund la qadaanayay madaama uu 10-kulan ee ugu dambeesay kooxdiisa 5-gool u dhaliyay balse nasiib daro markale dhaawac soo gaaray ayaa ku qasbay inuu seego kulamada muhiimka ah ee xulka Jarmalka todobaadka dambe cayaari doonaan.
25-jirkan beryahan nasiib xumo ayaa lasoo daristay madaama uu dhaawac dhanka qoobka ah koobkii aduunka ku seegay sidoo kalena bishii hore xulka Jarmalka uma uusan cayaarin kulamadii isreeb reebka Euro 2016 madaama uu dhaawac isla qoobka ka qabay.
Reus dhaawac cusub wuxuu soo gaaray axadii aan kasoo gudubnay kulan kooxdiisa Dortmund 1-0 guusha kaga qaadatay naadiga Monchengladbach wuxuuna haatan seegi doonan kulanka isreeb reebka Euro 2016 oo ay Jarmalka la cayaari doonaan xulka Gibraltar Jimcada nagu soo fool leh iyo kulanka saaxiibtinimo oo ay Talaadada dambe la cayaari doonan xulka Spain.