Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Mario Suarez Oo Naadiga Fiorentina Ku Biiray Xili Uu Kooxda Atletico Madrid Isaga Soo Tagay

Rasmi Mario Suarez Oo Naadiga Fiorentina Ku Biiray Xili Uu Kooxda Atletico Madrid Isaga Soo Tagay


mario-suarez490epa_2

Xidig khadka dhexe ka cayaaro Mario Suarez oo bartilmaameed u ahaa naadiga Inter Milan ayaa si rasmi ah kooxda Fiorentina ugu biiray.

Naadiga Atletico Madrid oo uu sanado badan ka tirsanaa Mario Suarez ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wadan doono Serie A-da Talyaaniga.

Fiorentina dhawaan waxay dhigeeda Atletico Madrid ka iibisay Stefan Savic oo daafaca ka cayaaro sidaa darteed waa la filaayay in Mario Suarez uu Violla imaan doono madaama lagu heshiiyay in labadan cayaaryahan la is dhaafsado.

Qoraal rasmi oo ah kasoo baxay xarunta Atletico Madrid ayaa lagu sheegay in Mario Suarez uu ku biiray naadiga Fiorentina asigoo aqbalay qorshaha ay kooxdiisa usoo jeedisay.

Mario Suarez ayaa ku faraxsan in mustaqbalkiisa cayaareed xal loo helay madaama uu xidigan ka gadoodsanaa doorkiisa Atletico Madrid waayo inta badan kursiga keydka ayuu fadhin jiray.

Dhinaca kale kooxda Fiorentina ayaa ka gaabsatay wararka sheegayo inay Mario Balotelli dib ugu soo celin doonto Serie A-da Talyaaniga.

Waxaana la hadal hayaa in Balotelli uu buuxin doono booska Mario Gomez oo kusii jeedo naadiga Besiktas inuu ku biiro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>