Home » Maxaa Cusub » RASMI: Memphis Depay Oo Xaqiijiyay Inuu Usoo Duuli Doono Manchester Si Uu Caafimaad Ugu Maro

RASMI: Memphis Depay Oo Xaqiijiyay Inuu Usoo Duuli Doono Manchester Si Uu Caafimaad Ugu Maro


Depay

Saxiixa cusub ee Man United Memphis Depay kaas oo 25 Malyan Oo Pound ugu soo wareegaya kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa ku dhawaaqay inuu usoo duuli doono magaalada Manchester maalinimada Jimcaha ah si uu caafimaad ugu maro kooxda United.

Sida ay qortay Daily Star xidigaan ayaa soo gaari doona xerada tababarka Man United ee Carrighton Training ka hor intaan heshiiska lasoo afjarin.

Memphis Depay ayaa axadii dhaliyay laad xor ah oo aad u cajiib badan kulan ay kooxdiisa 2-0 ku dhaaftay Hercules wuxuuna ahaa kulankii ugu dambeeyay oo uu Depay u safto PSV horyaalka Holland.

Depay wuxuu dhaliyay 25-gool xili ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan, isagoo 7-ka mid ah ku dhaliyay laadka xorta ah.

Jimcaha Jamaahiir badan oo United ah ayaa soo xaadiri doona xerada tababarka si ay u arkaan saxiixa cusub ee kooxda waxaana markaas uu caafimaadka u mari doonaa kooxda.

Ugu dambeyntiina Depay ayaa ah saxiixii ugu horeeyay oo uu sameeyo Louis Van Gaal xili ciyaareedkan hordhaca ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>