Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Naadiga Parma Oo Musaliftay Sidoo Kalena Ka Cayaari Doonto Darajada Ugu Hooseeyso Dalka Talyaaniga!!

Rasmi Naadiga Parma Oo Musaliftay Sidoo Kalena Ka Cayaari Doonto Darajada Ugu Hooseeyso Dalka Talyaaniga!!


Parma

Kooxda kubada cagta Parma ayaa musaliftay waxaana loo aqoonsaday naadi gabi ahaanba aan ka muuqan karin saaxada kubada cagta kadib dhaqaalo xumo baahsan ee kooxdan sanado badan heesatay.

Parma ayaa haatan la xaqiijiyay inay ka cayaari doonto darajada ugu hooseyso kubada cagta dalka Talyaaniga.

Waxayna kooxdan magaca iyo maqaamka ku lahayed Serie A-da ka cayaari doontaa xili cayaareedka dambe heerka 4-aad ee horyaalka Talyaaniga.

Kooxda Parma ayaa weesay shaqsi iibsado waxaana lagu leeyahay deyn dhan £16.2m sida darteed kooxdan ayaa loo aqoonsaday naadi musaliftay sidoo kalena aan bixin karin masaariifta ku waajibtay.

Parma xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday waxay ku laabatay Serie B balse haatan ma awoodo inay iska diiwaan galiso horyaalka heerka labaad madaama ay bixin karin lacagaha ku waajibaan iyo kuwa lagu leeyahay.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga Talyaaniga ayaa labo jeer ku guuleesatay tartanka UEFA Cup sidoo kalena tartankii hore ee UEFA Cup Winners Cup ayay mar ku guuleesatay.

Sidoo kalena sedex jeer ayay ku guuleesatay Copa Italia halka xili cayaareedkii 1996/97 ay kaalinta labaad ka gashay Serie A-da.

Kooxda Parma deynta guud ee lagu leeyahay ayaa haatan gaartay 75m euros (£54m) mana awoodo inay Serie B-da ka qayb qaadato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>