Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Naadiga Watford City Oo Xaqiijisay Inay Dib Ugu Soo Laabatay Premiership-ka England

Rasmi: Naadiga Watford City Oo Xaqiijisay Inay Dib Ugu Soo Laabatay Premiership-ka England


Watford

Kooxda Watford City ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay dib ugu soo laabatay Premiership-ka England kadib markii ay kooxdan kulan muhiim ah guuleesatay horyaalka heerka labaad ee dalka England.

Watford ayaa kulankeedii ugu dambeeyay 2-0 ku suul daartay kooxda Brighton waxaana u suura galiyay inay dabaal dagto kadib markii labadii naadi ee kusoo xigeen Bournemouth iyo Middlesbrough ay ku guul dareesteen inay todobaadkan guuleestaan.

Kooxda Watford ayaa la timid 88-dhibcood ayadoo cayaartay 45-kulan waxayna 4-dhibcood ka sareysaa naadiga Bournemouth oo kaalinta labaad ku jirto balse 44-kulan cayaartay.

Halka Middlesbrough ay kaalinta sedexaad ku jirto ayadoo leh 84-dhibcood balse 45-kulan ayay cayaartay.

Sidaa darteed kooxda Watford hadii ay todobaadka dambe guuleesato kulanka ugu dambeeyo iyada ayaa si rasmi ah ugu guuleesan doonto horyaalka heerka labaad ee dalka England.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>