Home » Maxaa Cusub » Rasmi Naadiga West Ham Oo Lasoo Wareegtay Daafaca Xulka Italy Iyo Naadiga Juventus Angelo Ogbonna

Rasmi Naadiga West Ham Oo Lasoo Wareegtay Daafaca Xulka Italy Iyo Naadiga Juventus Angelo Ogbonna


ogbonna

Kooxda West Ham ayaa si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigtay saxiixeeda cusub Angelo Ogbonna oo ay kala soo wareegtay naadiga Juventus.

Daafacan ka tirsan xulka Italy ayaa doortay inuu Premiership-ka England mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato madaama ay West Ham United boos joogto ah u balan qaaday.

Ogbonna ayaa qalinka ku duugay heshiis 4-sano ah kadib markii West Ham ay xidigan €11m kaga soo iibsatay naadiga Juventus.

West Ham ayaa ku faraxsan qaabka uu heshiiskan u hirgalay madaama lacagaha €11m oo ay daafacan ku iibsatay ay mudo sedex sano ah ku bixin doonto.

Ogbonna gives the thumbs up as he passes a medical and he is said to be excited about moving to London

Ogbonna oo ka hadlaayo ku biiritaanka kooxdiisa cusub wuxuu yiri “Aadban ugu qanacsanahay isbadalka aan sameeyay”

“Waxaan jeclaan jiray inaaan Premier League ka cayaaro haatana riyadeyda wey ii rumowday madaama aan London ku noolaan doono”

“Qalbigeyga ayaa ii sheegay in go’aanka saxda ah uu yahay inaan naadiga West Ham ku biiro”

“Ma sugi kari bilaabashada xili cayaareedka cusub sidoo kalena xiiso gaar ah ayaan u qabaa inaan ka hoos cayaaro macalin Bilic”

27-jirkan waxay kooxda Juventus sanadii 2013 si muran badan €13m kaga soo iibsatay naadiga Torino balse marnaba uma suura galin inuu si joogto ah Juve ugu cayaaro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>