Kooxda Ac Milan ayaa ku guuleysatay iney heshiis cusub ka saxiixdo burburiyaha reer Holland Nigel de Jong wuxuuna sii joogi doonaa Sansiro tan iyo sanada 2018.
Arintaan waxey soo afjareysaa xiisahii ay kooxaha Manchester United iyo Juventus u qabeen xidigaan reer Holland ee loo arkay inuu muhiim u yahay Milan.
Heshiis sadex sano ah ayaa laga saxiixay de Jong waxey ka dhigan tahay in xidigaan uu ahaa mid aad muhiim ugu ah macalinka cusub ee kooxda Sinisa Mihalovic.
Ac Milan waxey ku jirtaa xaalad dib u dhis waxaana dhawaan 48% iibsaday saamigeeda Mr. Bee oo ah milkiile reer Asia ah kaas oo balan qaaday inuu kooxda hormarin doono.