Home » Maxaa Cusub » RASMI: Nikica Jelavic Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

RASMI: Nikica Jelavic Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah


Jelavic

 

Weeraryahanka kooxda Hull City Nikica Jelavic ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciayaraha caalamiga ah, sida la xaqiijiyay maalinimadii sabtida aheyd.

Xidigaan ka tirsan kooxda Hull City, ayaa u saftay Croatia 36-kulan, isagoo u dhaliyay kaliya 6-gool, inkastoo go’aankaan uu layaab ku noqday tababare Kovac.

Warkaan ayaa yimid kadib kulankii ay Croatia 1-0 ku dhaafeen xulka Bulgaria kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016, iyadoo ciyaartaas uusan qeyb ku yeelan xidigaan.

Dhanka kale tababare Kovac ayaa qiray in uu aad ula yaabay go’aanka xidigaan: “Waxaan qirayaa inaan aad ula yaabay” Ayuu yiri tababare Kovac, “Balse dabcan waan aqbalay go’aankiisa”

Ugu dambeyntii Kovac ayaa waqti wanaagsan u rajeeyay Jelavic mudada uu kooxdiisa la joogo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>