Boqorka kubada cagta Pele ayaa si rasmi ah looga soo saaray Isbitaal ku yaalo dalka Brazil kadib markii lagu guuleestay qaliin looga sameeyay dhanka kilyaha.
Waxaana laga soo saaray dhagaxaan dhanka kilyaha kaga jiray kuwaas oo xanuun daran ku haayay dhawaanahan.
Pele ayaa lagu dabiibayay maalmihii ugu dambeesay Isbtitaalka lagu magacaabo Albert Einstein kaasi oo ku yaalo galbeedka magaalada weyn ee São Paulo.
74-jirkan ayaa haatan la sheegay in caafimaadiisa uu wanaagsan yahay waxaana la filaa inuu galo nasiino dheeraad ah inkastoo ay u yaalaan hawlo badan.
Dhaqaatiirta gaarka ah ayaa kula taliyeen inuu masraxa caalamka ka gaabsado sidoo kalena uu nasiino sameeyo ilaa uu si rasmi ah kaga soo kabsanaayo.
Dhanka kale xiriirka kubada cagta Brazil ayaa ku farxeen cafimaadka Pele oo haatan soo kabanaayo waxayna u rajeyeen inuu si dhaqsi ah kusoo kabto madaama uu yahay aabaha kubada cagta dalka Brazil iyo weliba caalamka oo idil.