Halyeegii hore ee kooxda Man United daafaca kaga cayaari jiray Phil Neville ayaa si rasmi ah loogu magacaabay macalinka labaad ee naadiga Valencia.
Phil Neville oo sidoo kale kooxda Everton kabtan usoo noqday ayaa aqbalay inuu La Ligaha Spain u dhaqaaqo inkastoo uu fursad u heestay inuu qaar ka mid ah kooxaha horyaaalka England lasii shaqeeyo
Valencia ayaa dhankeeda xaqiijisay imaatinka Neville wuxuuna la shaqeyn doonaa tababare Nuno oo naadiga Valencia u suura galiyay xili cayaareedkii dhawaa inay dib ugu soo laabato koobka horyaalada Yurub madaama kaalinta 4-aad La Ligaha Spain kaga dhameesatay.
Neville ayaa badalay Ian Cathro oo ahaa tababarihii labaad ee Valencia wuxuuna macalinkan kaaliye u noqon doonaa Steve McClaren oo naadiga New Castle macalin kowaad dhawaan ka dhigatay.
Macalinka naadiga Valencia Nuno ayaa siweyn usoo dhaweeyay la shaqeynta Neville wuxuuna yiri “Phil waa shaqsi waaya arag ah sidoo kalena tartamo calaami ah sanado badan soo cayaaray”
“Wuxuu leeyahay aqoon iyo karti ku haboon naadiga Valencia wax badan ayuu naga caawin doonaa sidoo kalena waan ku kalsoonahay inuu awooda Valencia sare usii qaadi doono”