Home » Horyaalada » La Liga Spain » Rasmi Real Madrid Oo Lasoo Wareegtay Goolhaye Kiko Casilla Oo Booska  Iker Casillas Buuxin Doono

Rasmi Real Madrid Oo Lasoo Wareegtay Goolhaye Kiko Casilla Oo Booska  Iker Casillas Buuxin Doono


Casilla

Kooxda Real Madrid ayaa heshay goolhayihii badali lahaa  Iker Casillas madaama ay si rasmi ah kooxda Espanyol kala soo wareegtay goolhaye Kiko Casilla.

Madrid waxay dhawaan shaacisay inay gabi ahaanba isaga baxday damacii ay ka qabtay inay lasoo saxiixato goolhayaha Man United David De Gae.

Sidaa darteed waxay haatan si rasmi ah ula soo wareegtay goolhaye Kiko Casilla oo qalinka ku duugay heshiis 5-sano ah.

Sidoo kale kooxda Espanyol ayaa dhankeeda xaqiijisay in goolhayaheeda uu ku biiray Real Madrid madaama ay labada dhinac arimo badan isku afgarteen.

Kikko Casilla wuxuu kusoo bar baaray xarunta Real Madrid balse sanadii 2008 ayuu garoonka Bernabue isaga tagay haatana fursad labaad ayuu helay inuu dib ugu soo laabto caasimada Spain.

Real Madrid ayaa sheegtay in goolhaye Kiko Casilla sida ugu dhaqsiyaha badan uu tijaabo caafimaad u mari doono kadibna uu heshiis 5-sano ah qalinka ku duugi doono.

Waxaa la aaminsan yahay in Real Madrid ay 28-jirkan kusoo iibsatay €6m wuxuuna kooxdiisa Espanyol u saftay 128-kulan mudadii 7-sano ahayd ee uu kooxdan ka tirsanaa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>