Real Madrid ayaa bogeeda instagram-ka ku shaacisay maaliyada ay minankeeda ku ciyaari doonto xagaaga soo aadan waana maaliyadii cadaanka aheyd oo isbadalo yaryar lagu sameeyay.
Bandhigaan waxaa kasoo muuqday kabtanka kooxda Iker Casillas kaas oo lala xiriirinayo inuu kooxda isaga tagayo madama De Gea la filayo inuu yimaado Bernabeu.
Sidoo kale bandhigaan waxaa kasoo muuqday Karim Benzema oo isna Man United iyo Arsenal lala xiriirinayo, waxaana la sugayaa jawaabaha ay kasoo bixiyaan jamaahiirta kooxda kuwaas oo aragtidooda kasoo dhiiban doona aaladaha ay kooxda ku leedahay Internet-ka.