Home » Horyaalada » La Liga Spain » RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Rafael Benitez Uu Yahay Macalinka Cusub Ee Kooxda

RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Rafael Benitez Uu Yahay Macalinka Cusub Ee Kooxda


Benitez 2

Real Madrid ayaa xaqiijisay in Rafael Benitez uu yahay macalinkooda cusub ee shaqada ka badalaya macalinkii dhawaan shaqada laga raacdeeyay ee Carlo Ancelotti.

55-jirkaan reer Spain ayaana ahaa shaqsigii ugu cad-cadaa ee ay saxaafada kubada cagta caalamka la xiriirinayeen shaqada Madrid balse ugu dambeyntii waxaa loo magacaabay tababaraha kooxda Madrid kadib laba sanadood oo uu kusoo qaatay koxda Napoli.

Si kastaba goor dhaweyd ayey Madrid warbixin ku xaqiijisay in macalinkaan uu yahay macalinka sadexda sano ee soo aadan maamuli doona kooxda wuxuuna heshiiskiisa dhamaan doonaa sanadka 2018.

“Real Madrid waxey soo bandhigi doontaa macalinkeeda cusub ee Benitez arbacada [Maanta]” ayey aheyd warbixin ay qoreen goor dhaw.

Bandhigida Benitez wuxuu dhacayaa 1:00 Duhurnimo waqtiga Spain oo u dhiganta 3:00 Galabnimo waqtiga geeska Afrika waxaana lagu soo bandhigi doonaa [Royal Box] oo ah qeyb ka mid ah Bernabeu ka hor inta uusan qolka shirarka shir jaraa’id ku qaban.

Macalinkii hore Liverpool Benitez ayaana dib ugu soo laabanaya Spain kadib 11-sano oo uu ka maqna isagoo markaas laba horyaal oo xiriir ah u qaaday Valencia.

Ugu dambeyntii Rafael Benitez ayaa noqday macalinkii 10-aad e Madrid ay yeelato mudadii uu talada hayay madaxweynaha haatan ee Florentino Perez.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>