Robin Van Persie ayaa ku guuleystay tijaabadii caafimaad ee uu u maray kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga, waxeyna soo bandhigeen sawirada xidigaan oo maraya tijaabada.
Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw kooxdaan reer Turkey, Robin Van Persie waxaa Jamaahiirta kooxda loosoo bandhigi doonaa maanta galinka dambe iyadoo lagu soo bandhigi doono garoonka kooxda ee Sukru Saracoglu Stadium.
31-jirkaan ayaa heshiis sadex sano ah qalinka ugu duugay naadigaan wuxuuna todobaadkii qaadan doonaa 240,000 kun Pound, inkastoo labada kooxood aysan wali ku dhawaaqin heshiiska iyo lacagaha rasmiga ah ee xidigaan lagula wareegayo hadana maanta ayaa lasoo afjari doonaa wax walba oo ku saabsan arintiisa.
Robin Van Persie sadex sanadood ayuu ku sugnaa kooxda ka dhisan Old Trafford madama uu sanadii 2012 kaga soo biiray Arsenal, balse xili ciyaaredkii uu la qaatay Sir Alex Ferguson ayaa ahaa kii ugu wacnaa madama uu kula guuleystay kooxda Horyaalka isagoo si shaqsi ah ugu guuleystay abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta EPl-ka.
DAAWO SAWIRADA