Kubad bur buriyaha xulka Jarmalka Sam Khedira ayaa xal u helay mustaqbalkiisa cayaareed madaama uu heshiis rasmi ah kooxda Juventus la galay.
Laacibkan waaya araga ah ayaa fursad u heestay inuu ku biiro kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Schalke balse wuxuu ku qancay dalabka naadiga Juventus.
Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday xarunta kooxda Juventus ayaa lagu sheegay in Sami Khedira uu heshiis 4-sano ah u saxiixay naadigan ka dhisan magaalada Turin.
Sami Khedira ayaa si xor ah kooxda Juventus ugu soo biiray kadib markii uu dhameestay heshiiskii uu kooxda Real Madrid kula joogay sidoo kalena ay isku fahmi waayeen Madrid inuu heshiis cusub u saxiixo.
28-jirkan ayaa si rasmi ah xarunta tababarka Juventus oo xaadiri doono 1-bisha July wuxuua magaalada Turin ku sugnaan doonaa ilaa sanada 2019.
Sami Khedira ayaa diyaar u ahaan doono inuu khadka dhexe kula tartamo xidigaha haatan Juventus ku sugan Claudio Marchisio, Arturo Vidal, Andrea Pirlo iyo Paul Pogba marka uu bisha July ka shaqo galo magaalada Turin.
Sami Khedira ayaa xulka Jarmalka xagaagii hore kula guuleestay koobka aduunka balse xili cayaareedkan inta badan Real Madrid uma cayaarin dhaawacyo asiibeen iyo qilaaf soo kala ehx galay isaga iyo kooxdiisii hore.