Burburiyaha kooxda Real Madrid Sami Khedira ayaa xaqiijiyay inuu isaga tagi doono kooxdiisa marka uu dhamaado xagaagan, inkastoo xidigaan heerka caalami ee xulka Jarmalka uusan go’aansan kooxda uu ku biirayo.
Sami Khedira ayaa xulka Jarmalka u saftay in ka badan 100 Kulan, wuxuuna ku sugnaa garoonka Bernabue mudo shan sanadood ah.
Si Kastaba waxaa lagu guuldareystay in la kordhiyo heshiiska uu kula jiro kooxda difaacaneysa koobka Horyaalada Yurub taasoo ka dhigan inuu si xor ah kaga tagi doono.
27-jirkaan heerka caalami wuxuu muhiim u noqon waayay kooxda Los Blancos madama ay kooxda heysato Kroos iyo Modric, balse wali ma uusan go’aansan kooxda uu ku biir lahaa.
“Wali wax heshiis ah kooxna lama gaarin, mana jirto koox aan jeclahay inaan ku biiro” Ayuu Khedira u sheegay Kicker.
“Ma ahan go’aan lidi ku ah Real Madrid, waxaan doonayaa inaan tartan cusub oo waayaheyga kubada cagta ah bilaabo isla markaana aan sii wado kobaca ciyaariyahanimo”
Dhanka kale Schalke 04 ayaa xaqiijisay iney wadahadalo kula jirto Khedira, inkastoo kooxaha Bayern Munich, Chelsea iyo Arsenal ay aad u baadi goobayaan saxiixiisa.
Ugu dambeyntii Khedira ayaa diirada saari doona guul ay gaarto Real Madrid inta kaga harsan waayahiisa garoonkaan.