Home » Maxaa Cusub » RASMI + SAWIRO: Halyeeygii Hore Chelsea Michael Essien Oo Ku Biiray Kooxda Panathinaikos Ee Dalka Giriiga

RASMI + SAWIRO: Halyeeygii Hore Chelsea Michael Essien Oo Ku Biiray Kooxda Panathinaikos Ee Dalka Giriiga


Essien
Xidigii Hore Kooxda Chelsea Michael Essien ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Panathinaikos ee dalka Giriiga kadib markii uu kazoo hayaamay kooxda Milan oo uu mudooyinkii dambe ku sugnaa.

Essien kaliya 22-kulan ayuu u saftay kooxda uu hogaamiyo Pippo Inzaghi xagaagan dhamaaday inkastoo ay hoos u dhigeen muuqaaladiisa dhaawacyo hareeyay xidigaan mudadii uu ku sugnaa halkaas.

Si kataba Michael Essien wuxuu haatan heshiis laba sanadood ah u saxiixay koxda Panathinaikos ee kaalinta labaad ka gashay horyaalka Dalka Giriga Xagaagan.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan kasii wato waayaheyga ciyaaraha” ayuu Essien u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Waxaan doonayaa inaan la kulmo saaxiibadeyda kale ee koxda isla markaana aan koobab kula guuleysto, waxaana aad uga mahad celinayaa Jamaahiirta sida quruxda badan ee ay isoo dhaweyeeen” Ayuu yiri Essien.

Michael Essien wuxuu January 2014 kusoo biiray Milan inkastoo ka hor hal sano uu kusoo qarash gareeyay kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Essien2 Essien1

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>