Macalin Luis Van Gaal asigoo maqsuud ah ayuu kooxdiisa ula safray Waqooyiga Ameerika oo ay safar cayaareed ku aadeen.
Hadal heynta ugu weyn ayaa ah saxiixyada cusub ee kooxda Man United Bastian Schweinsteiger iyo Morgan Schneiderlin ay safarkaan qayb ka yihiin.
Man United ayaa dalka Mareekanka kulamo saaxiibtinimo ku cayaari doonto waxaana la arkaayay labadan xidig ee United ku cusub ayagoo xidigaha kooxda la sheekeesanayaan.
Sidoo kale Matteo Darmain oo todobaadki dhawaa Man United kaga soo biiray kooxda Torino ayaa isagana safarkan cayaareed ka dhex muuqday.
Goolhaye David De Gae isagana kooxdiisa dalka Mareekanka ayuu ula amba baxay madaama xidigan uusan dalab rasmi ah weli ka helin Real Madrid.
Arinka lala yaabay ayaa ah in goolhaye Victor Valdes looga tagay magaalada Manchester sidoo kalena uusan qayb ka ahayn safarka Ameerika lagu aaday.
Xidigaha Man United Mareekanka ula safartay waa kuwa hoos ku qoran:
Tyler Blackett, Daley Blind, Michael Carrick, Matteo Darmian, David De Gea, Memphis Depay, Jonny Evans, Marouane Fellaini, Sean Goss, Ander Herrera, Adnan Januzaj, Sam Johnstone, Phil Jones, Anders Lindegaard, Jesse Lingard, Juan Mata, Patrick McNair, Andreas Pereira, Wayne Rooney, Morgan Schneiderlin, Bastian Schweinsteiger, Luke Shaw, Chris Smalling, Antonio Valencia, James Wilson
Man United waxay dalka Mareekanka ku cayaari doontaa kooxaha hoos ku xusan:
United vs Club America, 17 July, CenturyLink Field, Seattle
United vs San Jose Earthquakes, 21 July, Avaya Stadium, San Jose
United vs Barcelona, 25 July, Levi’s Stadium, Santa Clara
United vs Paris Saint-Germain, 29 July, Soldier Field, Chicago