Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Sturridge Oo Tababarka Liverpool Kusoo Laabtay

Rasmi: Sturridge Oo Tababarka Liverpool Kusoo Laabtay


Daniel

Daniel Sturridge ayaa si rasmi ah tababarka kooxda Liverpool uga soo muuqday wuxuuna xidigan muujiyay inuu haatan si wacan uga soo kabtay dhaawacii sanadkan ragaadiyay.

Daniel Sturridge waxaa ugu dambeesay oo uu kooxdiisa Liverpool u safto 31-bishii August galab Liverpool 3-0 ay ku suul daartay naadiga Tottenha wuxuuna kooxdan ka maqnaa mudo 3-bilood ka badan.

25-jirkan maqnaan shihiisa siweyn ayaa kooxda Liverpool looga tababay madaama macalin Brenden Rodgers kooxdiisa awoodi weesay ina goolal badan ka dhaliso EPL sidoo kalena guul darooyin isdaba joog ah ayay LIverpool la kulmeesay todobaadyadii ugu dambeeyay.

Daniel Sturridge ayaa lagu wadaa inuu Reds u safto kulanka ay 22-ka bishan la cayaari doonto naadiga Crystal Palace wuxuuna xidigan ku rajo weyn yahay inuu Reds wadadii guusha dib ugu soo celiyo.

Waayo Liverpool 4-kulan oo qura ayay guuleesatay 14-kulan oo ay cayaartay xili cayaareedkan dhamaan tartamada kla duwan!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>