Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Tababare Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay Kulamada Uu Seegi Doono Xidigiisa Alexis Sanchez

Rasmi: Tababare Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay Kulamada Uu Seegi Doono Xidigiisa Alexis Sanchez


Sanchez

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in xidigiisa reer Chile Alexis Sanchez uu seegi doono kulanka ay horaanta August la ciyaari doonto Chelsea ee ka tirsan finalka koobka Community Shield iyo sidoo kale kulanka ugu horeeya horyaalka oo ay la yeelan doonaan West Ham.

Sanchez ayaa haatan fasax ku jira, wuxuuna dhawaan xulkiisa Chile u hogaamiyay iney ku guuleystaan Copa America kadib markii uu dhaliyay rigooro sixir aheyd oo suuragalisay iney Argentina ku garaacaan finalka koobkaas lagu martaliyay ciidooda.

Sida la hubo kulanka Chelsea wuu seegi doonaa, sidoo kalana kulanka darbiga ah ee West Ham ee ka dhici doona Emirates isna kama soo muuqan doono.

“Wuxuu soo laaban doonaa 3-da August, balse inuu kooxda la qabsado waxey ku qaadaneysaa sadex todobaad, waana la hubaa inuu seegi doono kulanka ugu horeeya horyaalka” Ayuu yiri Wenger.

Wenger ayaa xidigaan ku amaanay guushii uu xulkiisa usoo hoyay ee taariikhiga aheyd, wuxuuna xidigaan hal sano ka hor kaga yimid kooxda Barcelona aduun dhan 30 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>